Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Koonfurgalbeed oo Hoygiisa Muqdisho ku qaabilay Musharax Madaxweyne Dr Jabriil Ibraahim Cabdule
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Hoyga uu ka degenyahay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ku qaabilay Musharax Madaxweyne Dr Jabriil Ibraahim Cabdule.Qaabilaada ka dib Madaxweynaha iyo Musharax Jabriil ayaa qaatay kulan ay uga hadleen Xaalada Dalka iyo Arimaha Doorashooyinka.Kulanka waxaa sido kale ka qeybgalay Wasiirka Difaaca Dalka iyo Wasiirka Maaliyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.